Qoyska Mugabe Oo Ogolaaday halka lagu aasayo Madaxweynihii hore ee Zimbabwe.

0
180

Jimco RBB News:- Madaxweynihii hore ee Zimbabwe  Robert Mugabe ayaa lagu wadaa in lagu aaso qabuuraha qaranka ee magaalada Harare.

Afhayeen u hadlay qoyska Mugabe ayaa sheegay in la xaliyay isfaham waagii kala dhaxeeyay dowlada, lana aasi doono madaxweynihii hore maalinimada Axada.

Tan iyo markii Meydka Mugabe laga soo celiyay dalka, Singapore ayaa waxaa jiray muran ah halka lagu aasayo, iyadoo qoyskiisa ay dalbanayeen in lagu aaso deegaanka uu asal ahaan ka soo Jeedo.

Dowlada Zimbabwe ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday baroor diiq qaran, oo socon doonta sadex maalin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa magaalada Harare laga dareemayaa diyaar garowga aaska Mugabe oo la filayo in ay ka qeyb galaan diblumaasiyiin iyo madax ka socota Caalamka.