Labiska Arsenal ay ku ciyaarayso xiliciyaareedka dambe oo si qarsoodi ah loo shaaciyay

0
181

Labiska kooxda Arsenal ay ku ciyaarayso xiliciyaareedka dambe ayaa si qarsoodi ah loo shaaciyay.

Labiska lagu faafiyay baraha bulshada ayaa ah kaliya mid Arsenal ay ku ciyaarayso kulamada garoonkeeda oo sida lawada garanayo ah midab gaduud iyo cadaan isugu jira.

Waa labiskii ugu danbeeyay ee shirkada qalabka Sportiga samaysa ee PUMA ay u soo saarto Arsenal maadaama qandaraaskoodu uu ku eg yahay xiliciyaareedka dambe.

Mana jirto shirkad kale oo kooxdu ay heshiis la gaartay ilaa haatan, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in Adidas iyo Nike ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii PUMA ay uga dul qaadi lahaayeen heshiiska Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here