Mw Waare oo shaqada ka joojiyay Wasiir eedeyn u jeediyay Df

0
93

Axad RBB News:- Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa xayiraad wuxuu kusoo rogay xafiiska wasiiru dowlaha madaxtooyadda dowlad goboleedkaasi, sidda ay ogaatay Warbaahinta Gudaha.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay markii Cabdullaahi Maxamed Macow, wasiiru dowlaha maamulka Jowhar, uu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dayacday amniga mas’uuliyiinta maamulkaas.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Waare uu ku amray saraakiisha amniga madaxtooyadda in ay albaabada u laabaan xafiiska Macow, ayna ka muujiyaan in uu kala baxo agab.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in Waare uu ka fekerayo in uu xilka ka qaado wasiiru dowlahan, kaasi oo shaki badan uu soo galay mustaqbalkiisa siyaasadeed ee kasii mid ahaanshiyaha HirShabelle.

Eedeynta Macow ayaa timid ka gedaal markii AlShabaab ay weerar qarax miino loo adeegsaday ay maanta ku khaarijisay mas’uuliyiin sar-sarre oo kamid ahaa dowlad goboleedka HirShabelle.