Xubno katirsan maamulka gobolka Gedo oo lagu gowracay Beled Xaawo

0
108

Axad RBB News:- Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in magaaladda Beled Xaawo lagu arkay meydadka saddex ruux, kuwaasi oo laba kamid ah yihiin rag, halka ruuxa kale ay haweenay tahay.

Dadka degaanka ayaa waxay sheegayaam in shaqsiyaadkan xalay saqdii dhexe lagala baxay hoygooda.

Ururka Al-Shabaab oo dusha saartay mas’uuliyadda falkan ayaa tibaaxay in xubnahan ay kamid ahaaayeen mas’uuliyiinta magaaladda Beled Xaawo ee ku dhow xuduudka wadanka deriska ee Kenya.

Magacyadda dadkan ayay ku kala sheegtay;Xuseen Shariif, gudoomiye xaafadeed iyo Cabdi Keynaan, oo kamid ahaa maamulka Maaliyadda, balse ma aysan soo bandhigin magaca haweenayda.

Maamulka magaaladda oo arrintan si adag u cambaareeyay ayaa waxay sheegeen in ay ku raad-joogaan gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyay dhacdadaasi argagaxa iyo hadalheynta xoogan abuurtay.