DEG DEG; kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay askari katirsan Ciidamada Df

0
84

Isniin RBB News:- Koox Hubeysan ayaa waxay dil ka geysteen Gudaha Suuqa weyn Ee Bakaaraha Magaalada Muqdisho iyadoo warar dheeraad ah laga helayo dilkaasi.

Dilka waxa uu dhacay xilli mashquul badan uu ka jiray suuqa,waxaana Dableey Bistoolado watay ay dilka ugeysteen Askari katirsan Ciidanka Canshuurta qaada Ee Minishiibiyada loo yaqaano.

Gacan ku dhiiglayaasha ayaa baxsaday kadib dilka,ciidamo katirsan Booliska Degmada Howlwadaag ayaa gaaray dilka kadib meydkana meesha kasoo qaaday.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkaasi,mana jirin war kale oo ay soo saareen,dhinaca Dawlada faah faahin laamaha amniga lagama helin.