DEG DEG:- Dagaal xoogan oo ka socda Gobolka Sh/dhexe

0
111

Isniin RBB News:- Warar dheerad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal beeled ka bilaawday deegaanada cumar cismaan iyo gaaleef oo hoostaga Gobolka Shabeelleha Dhexe.

Dagaal beeledkan ayaa sababay khasaare isugu jira naf iyo maal oo soo kala gaartay beelaha walaalaha ah ee wada dagaana deeganada ee ay dirirtu ka dhacday.

Dad goobjogayaal ah oo aan qadka telefonka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in weli ay maqlayaan rasaas goos goos ah oo ay isdhaafsanayaan labada dhinac ee dagaalamaya.

Illaaha iyo haatan lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan iyadoo aysan jirin cid soo kala dhex gashay oo waan waan ka dhex bilaawday beelaha walaalaha ah.

Sikastaba ha ahaate maahan markii ugu horeysay oo dagaal beeled u dhaxeeya beelo walaalo uu ka dhaco deeganada hoostaga Gobolka Sh/dhexe.

Wixii kusoo kordha Halkaan kala soco.