Emre Can oo heshiis shaqsi ah la gaaray Juventus (Imisa sano ayuu u saxiixay, Goorma ayaase lagu dhawaaqayaa heshiiska)

0
26

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Liverpool iyo xulka Germany ee Emre Can ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Juventus.

Qandaraaska laacibka ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in Emre Can uu qalinka ugu duugay Juventus 5-sano oo uu ugu biirayo kooxda reer talyaani si bilaash ah.

Juventus ayaana ku dhawaaqi doonta saxiixa Emre Can wixii ka danbeeya Final-ka koobka horyaalada yurub oo la qabanayo 26-5-2018.

Waxaa xusid mudan in Emre Can uu haatan dhaawac uga maqan yahay kooxdiisa Liverpool.

Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here