C/rashiid Xiddig oo si kulul kaga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Mw Axmed Madoobe

0
71

Talaado RBB News:- C/rashiid Maxamed Xiddig Oo sheegtay 22 Bishii Hore Ee Augusto in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu ka hadlay arimo culus oo Jubbaland siyaasadeeda Ah.

Kulan ka dhacay Magaalada Kismaayo ayuu C/rashiid Xiddig ka sheegay waxyaabo sii cusleeyey dagaalkii siyaasadeed Ee Axmed Madoobe kala dhaxeeyey.

Mar uu ka jawaabayey Hadalkii Khamiistii Ee Axmed Madoobe ka sheegay Shirkiisii Jaraa’id ee ahaa in Kismaayo Meyd iyo Dhaawac isagoo wata uu lasoo galay ay hadda jiraan kuwo daac daro iyo dhibaato ku heystaan Kismaayo oo ciidankii soo jabhadeeyey ah waxbana loo qaban.

Waxa uu C/rashiid Maxamed Xiddig ku Eedeeyey Axmed Madoobe inuu yahay mid dhaqaalihii dadka loogu adeegi lahaa uu ku sameystay guryo iyo dano gaar ah uu ku qabsaday oo shacabkiina ka baahan yihiin sida uu warka u yiri.

Xiddig oo aan weli Xildhibaanimada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ka tanaasulin sheegtayna inuu yahay madaxweynaha Sharciga Jubbaland ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Axmed Madoobe inuusan ubac bac dhigi karin Dawlada Dhexe oo xanibaad uusan saari karin.

Halkaan ka dhageyso codka C/rashiid Xidig