Dowladda Federaalka oo dabin adag la damacsan Mw Axmed Madoobe

0
85

Talaado RBB News:- Dowladda Federaalka ah ayaa waxay wadaa dedaaladii ugu dambeeyay oo ay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, uga hor istaageyso ka qeybgalka Shirka madaxda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Shirkaasi oo go’aan laga gaarayo madasha lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadli doonaa guulaha sanadkii hore iyo waxyaabaha hor-tabinta leh ee u baahan in lala tacaalo sanada soo aadan, sida la xaqiijiyey.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaxda dowladdu dooneyso in kursiga Jubbaland uu  noqdo mid faaruq ah, waxayna ku doodeysaa in uu yahay mid aanan haysan sharci sax ah.

Axmed Madoobe ayaa hadii uu ku guuleysto in uu ka qeybgalo shirkan waxay u noqon kartaa fursad uu ku dhaliilo karo dowladda federaalka ah sidda uu sameeyay shirarkii uu horey uga qeybgalay.

Sikastaba ha ahaatee, markii ugu dambeysay ee uu shirkan qabsoomay ayaa waxaa martigeliyay dalka Belgium-ka, halkaasi oo hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo madaxda dowladda ay kawada qeybgaleen.