DEG DEG; Kulamo xasaasi ah oo weli ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb

0
96

Talaado RBB News:- Macluumaadyo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shirar gaargaar ah oo saacadihii lasoo dhaafay magaaladda Dhuusamareeb ku dhexmaray hogaanka Ahlu Sunna, madaxweyne Xaaf iyo madaxweyne Farmaajo.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in shirkaasi looga hadlay arrimo ay kamid yihiin talaabada xigta kadib shirka dib u heshiisiinta, doorashadda soo aadan, awood qeybsiga, qoondada Ahlu Sunna iyo guddiga doorashada.

Warar xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in hogaanka Ahlu Sunna ay socdeen in ay xubnaha ugu badan ku yeeshaan guddiga doorashooyinka iyo baarlamaanka, taasi oo ah shaki ay ka qabaan in la gacan bidaxeeyo.

Inkasta oo ay suurtogal tahay in xal waara laga gaaro arrintaan, haddana waxaa sidoo kale aanan wali xal laga gaarin tiradda ay Xildhibaanadda Galmudug ku yeelaneyso Ahlu Sunna oo codsatay ku dhowaad 40 mudane.

Sikastaba ha ahaatee, Galmudug ayaa haatan u muuqata mid cagta saareysa wado ka gedisan sidii hore, waxaana muuqaneysa loolan culus iyo baratan siyaasadeed oo dhabar jeb ku ah mucaaradka rajadda leh.