Gudoomiye Mursal oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga

0
74

Talaado RBB News:- Gudoomiyaha Golaha shacabka BJF Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa Turkiga Mustafa Şentop.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

Gudiyada labadda baarlamaan ayaa is dhaafsan doona booqashooyin, sidoo kale waxaa aqoon kororsi iyo tababaro la siindoonaa shaqaalaha Baarlamaanka.

Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Gudoomiye Mursal ku casuumay dhigiisa in uu yimaado Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, xafiiska Mursal ayaa xaqiijiyey in Şentop uu dalka imaan doono, wallow uusan muddeynin waqtiga.

Image may contain: 3 people, people standing, suit, beard and outdoor

Image may contain: 3 people, people sitting, suit and indoor