Shirweynaha Maalgashiga Puntland oo laga soo saaray qodobo dhabar jab ku ah Df

0
83

Talaado RBB News:- Shir ku saabsan Maalgashiga Puntland oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa la soo gabagabeeyay maanta iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in maalgashiyo kala duwan laga hirgelin doono Puntland si looga faa’idaysto khayraadka dihin ee ku duugan degaannada Puntland islamarkaana loo kordhiyo wax-soosaarka gudaha iyo shaqa-abuurka dhalinyarada.

Shirka Maalgashiga Puntland waxaa looga dhawaaqay in 1-1-2020 lagu qaban doono magaalada Boosaaso carwo ganacsiyeed ay shirkaduhu kusoo bandhigayaan adeegyada ay hayaan, Puntland waxay sheegtay in ay sii socon doonaan shirka u dhaxeeya dawlada iyo ganacsatada.

Halkan hoose ka aqriso Warmurtiyeedka Shirka Puntland;