Taliye sare oo katirsan Ciidamada sirdoonka Angola oo si lama filaan ah ku yimid Muqdisho

0
98

Talaado RBB News:- Taliyaha Sirdoonka dalka Angola  Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida goor dhow lagu daabacay barta Twitterka ee Hey’adda NISA ayaa lagu sheegay in Taliyaha Sirdoonka dalka Angola oo ah dal ku yaalla Koofurta Afrika ayaa soo gaaray Muqdishi.

Taliyaha Sirdoonka Angola Gen. José Luís Caetano ayaa la kulmay Agaasimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay ladagaalanka argagaxisada, sida lagu daabacay barta Twitterka ee NISA.

Intii uu Taliyaha Sirdoonka Angola ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo la xiray waddooyinka qaar, waxaana dad badan is weydiinayeen wafdiga yimid magaalada ee sidaan waddooyinka loogu xiray.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa booqasho hoose ku imaanayay Muqdisho Sirdoonada qaar ka mid ah dalalka caalamka, taasoo muujineysa dib u kabashada Hey’addii Sirdoonka ee dalka, kaddib is bedeladii laga sameeyay Hey’adda NISA, isla markaana uu dib u soo laabtay xiriirkii arrimaha dibadda.

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa Muqdisho yimid wafuud ka socday Sirdoonada dalalka Jabuuti, Qatar, Itoobiya, iyo Suudaan, iyagoo la is weydaarsanayo khibradaha amni ee dalalkaas u leeyihiin dhanka la dagaalanka Argagizisada.