Yaa u tartami doono abaalmarinta Laacibka todobaadka Champions League Oo La Soo Saaray

0
460

Arbaco RBB News:-Xiriirka UEFA Champions League ayaa soo saaray Xiddigaha u tartami doona xiddiga ugu fiican ee todobaadkii ugu horeeyay ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa xalay si Rasmi ah loo soo afjaray kulamadii ugu horeeyay ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.

Kulamada ayay ka soo bexeen natiijooyin aan la filayn iyo waliba xiddigo halyeeyo u noqday kooxohooda kuna hogaamiyay guulo ama ka hor istaagay guulo kooxdooda soo gaadhayay.

UEFA ayaa dhamaan xiddigihii ka qayb qaatay kulamadii shalay iyo daraad ka soo xulatay 4 xiddig oo ay u aragto kuwa ugu fiican laakiin u tartami doona xiddiga ugu fiican todobaadkan.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah da,yarka Erling Braut Håland kaas saddexley dhaliyay kulankii ay kooxdiisa Red Bull Salzburg xasuuqday kooxda Genk kulankii ugu horeeyay ee tartanka.

Xiddiga kale ayaa ah Angel Di María kaas oo garaacay kooxdiisii hore ee Real Madrid 2 gool-na ka dhaliyay kulankii ay PSG garaacday kooxda Real Madrid.

Goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa dhankiisa ku jira tartanka kadib markii uu ka hor istaagay kooxdiisa guuldaro ay kala kulmi lahaayeen Borussia Dortmund isaga oo si cajiib ah u badbaadiyay.

Ugu dambayn waxa abaalmarinta u tartami doona xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Dinamo Zagreb ee Mislav Oršić kaas oo isna qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii kooxdiisu guusha ku gaadhay.