Jordi Alba oo ka hadlay sababta Real Madrid ay u diidan tahay in marin sharafeed ay u samayso Barcelona

0
87

Daafaca kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa ka hadlay sababta ka danbaysa in Real Madrid ay u hogaansami wayso sharciga La Liga.

Jordi Alba ayaa arintaas dusha u saaray madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez kaas oo uu sheegay inuu soo saaray go’aankaas.

29 jirka reer Spain ayaa ku dooday in 2008 ay Barcelona marin sharafeed Bernabeu ugu samaysay Real Madrid, haataana ay waajib ku tahay markooda inay u sameeyaan.

“Go’aankaas ma ahan mid aan anagu leenahay, waan ixtiraamaynaa rabitaanka dadka kale, koobka kooxaha adduunka ma ahayn koob aan anagu ciyaarnay” ayuu yiri Jordi Alba.

“Laakiin marin sharafeed ayaan Bernabeu ugu samaynay Real Madrid 2008, haddii aysan doonayn inay na sharfaan sideey rabaan ayaa dhacaysa waayo go’aanku waa mid ka soo fulay maamulkooda sare”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here