Wasiir katirsan Xukuumada Rw Kheyre oo sheegay in la musuq maasuqay mashruuca biyaha dalka

0
106

Axad RBB News:-Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn looga deyrinayay xaalada nolaleed ee dadka ku dhaqan deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo, ayaa waxaa arintan baaq ku wajahan dowladda ka soo saaray Wasiirro iyo Xildhibaanno ku shiray Muqdisho.

Waxaa  ay sheegeen in dadka ka barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo iyaga iyo xoolahihii u haray intaba u dhimanayaan abaar iyo biyo la’an baahsan  soo wajahday, waxaana madaxda ugu saraysa dowladda federalka ah  ee Soomaaliya , hay addaha samafalka iyo guud ahaan shacabka  Soomaaliyeed ay ugu baaqeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkaasi ay  dhibaatada hayso.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddooda ay qorshooyin u dajiyeen dadka ay saamaysay biyo la’anata .

Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay dabagal kusameeyaan lacagaha loogu talagalay Arrimaha Biyaha dalka kuwaas oo uu tilmaamay in siqaldan loo isticmaalo.

Hadalka Wasiirada iyo Xildhibaanada  katirsan Dowladda  Federaalka ah  ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayaa xilli qaar kamid ah Shacabka ku nool  deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ay kabarakaceen Abaaro iyo duqeymo  deegaano ka tirsan gobolkaas ka fuliyaan ciidamada Kenya,isla markaana  ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.