Faah Faahin:- Turkiga oo weerar ku qaaday waqooyiga Suuriya

0
72

Ciidamada Turkiga ayaa waxay bilaabeen duulaan ay ku qaadeen Waqooyi bari Suuriya taai oo horseedaysa in iska hor imaad toos uu dhexmaro xoogaga kurdiyinta ee gacan saarka la leh Mareykanka.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay “mid lagu abuurayo goob amaan ah ” oo laga nadiifiyay xoogaga kurdiyiinta islamarkana ay goobtaani noqoto mid marti galiso qaxootiga reer Suuriya.

Duulaankan ayay sheegeen kooxda Kurdiyinta in uu sababi doono khasaaro soo gaara dadka rayidka ah.

Ciidamada dhulka ee Turkiga ayaa sidoo kale ilaalo wayn ka haya xuduuda Suuriya iyo Turkiga.

Turkiga wuxuu u arkaa isbahaysigani ay hoggaamiyaan maleeshiyadkani Kurdiyiinta koox argagixiso ah. Waxa uuna sheegayaa in ay tahay qeyb ka mid ah kooxda fallaagada Kurdiyiinta ee ka dagaalka kula jirta dowladda Turkiga.

Mas’uuliyiinta dalkaasi Turkiga ayaa doonaya in xudduudda Suuriya ay ka sameeyaan dhul gaaraya 32km oo ah “aag nabdoon” isla markaana ay ka nadiifinayaan aagaasi dagaalyahannada Kurdiyiinta. Waxaa kale oo ay rajeynayaan in dhulkaasi oo ah gudaha dalka Suuriya ay dib u dajin ugu sameeyaan ilaa laba milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo hada ku nool gudaha dalka Turkiga.