Maxaa looga hadlay kulankii shalay Madaxda Ahlu-suna ay ku yeesheen Dhuusamareeb

0
45

Khamiis RBB News:-Madaxda Ahlu Sunada Galmudug ayaa isugu yimid shir deg deg ahaa oo ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay magacawday Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug.

Guddigan oo ka kooban saddex iyo toban xubnood ayaa waxay qaarkood ku dhow yihiin Madaxtooyada Somaliya. Mid ka mid ah xubnaha la magacaabay oo dumar ahayd ayaa iska casishay xilkaasi.

Sida uu qorshahu yahay guddigan ayaa iska dhex dooran doona guddoon cusub, iyadoona ay guda geli doonaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaana soo dhaweeyay magacaabistooda.

Madaxda Ahlu Sunna oo ka biyo diidan guddigaasi ayaa shir dhawr saacadood socday Arbacadii ku yeeshay Xero Inji oo uu ku yaalo Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Shirkan oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayen ayaa waxay Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe kaga arrinsadeen xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, magacaabista guddiga ay ka soo horjeedaan iyo nooca ay noqonayso tallaabada ay kaga falcelinayan.

Geba-gabadii shirkan oo la fillaayay in Madaxda Ahlu Sunna ay warbixin ka soo saaraan ayaa waxaa jirin wax war ah oo ay ka soo saareen xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, iyagoona ka gaabsaday in ay si rasmi ah u cadeeyan mowqifkooda ku aadan guddiga cusub.

Cabdirisaaq Maxamed Ashcari oo ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa Arbacadii muujiyay, sida ay u saluugsan yihiin Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo muhiim u ah jiritaanka Maamulka Galmudug ayaa marar kala duwan cabasho ka keentay inaanan la fulin waxyaabihii lagula heshiiyay, markii lagu soo biirinayay Maamulka Galmudug iyo intii ay Galmudug ka jireenba.