Wafdi uu hogaaminayo Xasan Sheekh oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

0
51

Khamiis RBB News:-Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa iney u safraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Xildhibaano katirsan labada Gole ee Baarlamaanka iyo siyaasiyiin ayaa qeyb ka noqonaya xubnaha la socdaalaya Xasan Sheekh.

Ujeedada safarka Madaxweynihii hore ayaa ah sidii uu ka qeyb gali lahaa Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe walow ay Dowladda Dhexe kaga digtay siyaasiyinta ka qeyb galka Xafladaasi.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa siweyn looga dareemaya qaban qaabada Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha aysan Dowladda aqoonsaneen iyadoo wafuud kala gadisan ay Magaaladaas ay gaarayaan.