Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

0
44

Khamiis RBB News:-Guuliye Xareed Muxumed iyo  Cabdalle Naasiri Ibraahim oo ka tirsaa Kooxda nabad-diidka ah ee Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan Magaalada Garbahaarreey ee Gobolka Gedo.

Labadaan Nin ayaa muddo ka mid ahaa Argagaxisada Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ay muddadaas dhibaato badan u gaysteen Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deggan Gobolka Gado .

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee jooga Garbahaarreey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ragaas ay xiriir lasoo sameeyeen markii dambana ay Gacantooda soo galeen iyaga oo Hubkoodii wata loona sii gudbin doono Laamaha qaabbilsan.

Bilooyinkii u dambeeyey waxaa soo kordhayay Maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka mid ahaa Argagaxisada oo isku soo dhiibaayay Ciidanka qalabka sidda, kadib markii u ay adkeysan waayeen howl-galladda Ciidanka ka sameynayaan degaannada ay Dadka ku dhibaataan.