Dhageyso:-Axmed Madoobe iyo Deni oo Kismaayo kula hadlay warbaahinta

0
73

Khamiis RBB News:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillahi Dani iyo wafdi uu hogaaminayo.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Boqolaal dadweyne ah iyo xubno katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka qaybgalay soo dhawaynta iyadoo wafdigan oo ka koobnaa labada gole ee Dowlad Goboleedka Puntald waxaa kale oo wehelinayay Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Siciid Cabdullahi Dani ayaa ka mahad celiyay sida weyn ee Kismaayo loogu soo dhaweeyay waxaana uu sheegay in ay u yimaadeen sidii wakhtiyada farxada ay ula qaybsan lahayeen shacabka ree Jubbaland gaar ahaan Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wafdigan ay yimaadeen gurigoodii sidoo kalana uu ku faraxsan yahay inay kasoo jawaabeen marti qaadkii loo fidiyay ee la xiriiray kasoo qaybgalka munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha.

Halkaan Hoose ka dhageyso codka Madaweynayaasha Jubbaland iyo Puntland