DEG DEG:-engineero turki ah oo qarax lagu la eegtay Duleedka Muqdisho

0
55

Khamiis RBB News:-Wararka Naga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino lagu la eegtay halkaasi gaari ay la socdoon engineero turki ah kuwaasi oo katirsan kuwa dhismaha kawada wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Gaarigan ayaa qaraxa lagu la eegtay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye iyadoo uu ka dhashay qaraxaasi khasaare kala duwan.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Idaacada Banaadir ee Magaalada Muqdisho qaraxan ayaa sababay dhaawaca labo engineer oo turki ah.

Qaraxan ayaa sababay inuu hakad ku yimaado dhismaha wadadan oo dayactir xoog leh lagu sameynayo. Waxayna wararku sheegayaan in uu qaraxan ka dhashay miinada dhulka laga aaso oo meeaha fogfog laga qarxiyo.

Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Qadar waxaana qandaraaska dhismaha heysta Sharikad laga leeyahay Dalka Turkiga.