Ex Mw Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo

0
60

Khamiis RBB News:-Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo Mw Hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Madax katirsan Maamulka Jubbaland oo uu hor kacayo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si diiran Wafdiga Xasan Sheekh ugu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan, Siyaasiyiin, iyo Madax hore ayaa qeyb ka ah safarka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu ku gaaray Kismaayo.

Ujeedada Socdaalkiisa Kismaayo ayaa sidii uu kaga qeyb gali lahaa Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe.