Yuusuf Garaad oo ka deyriyay qaabka dowladda Federaalka Soomaaliya u maamuleyso Kiisma Dacwadda Badda

0
97

Axad RBB News:-Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa ka deyriyay qaabka dowladda Federaalka Soomaaliya u maamuleyso Kiisma Dacwadda Badda, isagoo ka hadlay arrimo mugdi ku jiro.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay war sugan siin jirtay bulshada marka la tagayo Maxkamadda iyo sababta loo tagayo, balse haatan aanay jirin oo dadka ay ka maqleen labo jeer suuqa, kadibna ay dowladdu xaqiijisay.

Waxaa uu sheegay in markii u horeysay ay tahay Siyaasi qeyb ka noqdo Ergada Soomaaliya mataleysa, halka markii hore ay Guddi Farsamo iyo Qarreeno ay matali jireen.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad.

Dacwada badda markii la diyaarinyay qarsoodi ayay ahayd, intii ka dambeysay Dowladda ayaa bulshada war rasmi ah oo haddana sugan ka siin jirtay ergada tegeysa ICJ, goorta iyo waliba sababta loo tegayo.

Inta Maxkamadda la joogo ayaa mar kale shacabka war sugan laga siin jiray sida ay wax u socdaan.

Hadda ugu yaraan laba jeer ayaa fal dhacay dabadii uu suuqu u warramay shacabka, ka dibna ay Dowladdu u xaqiijisay.

Waana Markii UguHorreysay ee siyaasi uu ka mid noqdo ergada Soomaaliya.

Ma xuma in wax cusub la isku dayo, laakiin haddii sidii hore ay wanaag badiso, ma ahan in lagu adkeysto sida cusub.