Hoggaanka Ahlu Sunna oo weli diidan iney la kulmaan Wasiir Sabriye

0
100

Isniin RBB News:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guuldareystay in uu magaaladaasi kula kulmo Madaxda Ahlu Sunada Galmudug.

Wasiirka oo maalintii Jimcaha gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa tilmaamay in uu u yimid Dhuusamareeb hawlo la xiriira dardar-gelinta maamulka cusub ee lagu wado in loo dhiso bulshada reer Galmudug.

Wasiirka ayaa Madaxda Ahlu Sunada Galmudug ka codsaday in ay is arkaan, isla-markaana ay ka wada hadlaan qorshaha lagu doonayo in lagu soo yegleelo waxa loogu yeeray Galmudug-ta cusub.

Masuuliyiinta Ahlu Sunna ayaa iska diiday in ay la kulmaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, sababo ku aadan iyagoo saluugsan Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, oo 8-dii bishan ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Guddiga ayaa la sheegay in ay qaarkood ku dhow yihiin Villa Somalia.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa qoraal ay soo saartay 12-kii bishan kaga hortimid Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, oo ka kooban saddex iyo toban xubnood oo midi dumar tahay. Xaliimo Cabdi Cali ayaana maalin ka dib magacaabisteeda is casishay.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, kuna magacaaban Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa diidmadooda ku sababeeyay inaanay magacaabista guddiga waafaqsanayn Dastuurka Qaranka iyo midka Galmudug. Waxa uu intaa ku daray in magacaabista guddiga uu hareer marsan yahay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan ka quusan la kulanka Madaxda Ahlu Sunna ayaa ergo ahaan ugu diray xubno ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug, gaar ahaan kuwa Dhuusamareeb, balse isku daygaasi wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay.

Nabadoon Cabdi Guure oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee reer Galmudug ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka ku guuldareysteen in Masuuliyiinta Ahlu Sunna ka dhaadhiciyan bal inay marka hore la kulmaan Wasiirka, kana wada hadlaan wixii tabasho ah ee jira.

Nabadoon Cabdi Guure oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxda Ahlu Sunna ay Odayaasha Dhaqanka u sheegeen inaanay la kulmi doonin Wasiir Sabriye, illaa iyo inta magacaabista guddiga la waafajinayo heshiiskii ay dowladda la galeen.

Nabadoon Guure ayaa ku waramaya in Masuuliyiinta Ahlu Sunna ay si weyn uga goys adeegayan la kulanka Wasiir Sabriye, taasina ay xaq u leeyihiin, haddii dhawr jeer lagu ballan furay, waa sida ay ku andacoonayaan’e, waxaase uu ka dhawaajiyay in Wasiirku uu dadaal kasta ku bixin doono, sidii uu ula kulmi lahaa Hoggaanka Ahlu Sunna.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo muhiim u ah jiritaanka Maamulka Galmudug ayaa marar kala duwan cabasho ka keentay inaanan la fulin waxyaabihii lagula heshiiyay.