Sacuudiga Oo Duqeyn Ka Geystay Yaman

0
92

Talaado RBB News:- Ugu yaraan shan ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay duqeyn diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ay ka geesteen dhulka buuraha ah ee gobolka Sacda ee dhaca waqooyiga Yemen.

Duqeyntan ayaa imaaneysa iyadoo bilihii la soo dhaafay dagaalyahanada Xuutiyiinta ay weeraro ku qaadayeen koonfurta Sacuudiga.

Dadka ku dhintay duqeynta oo ilaa iyo hada aan la kala cadeyn in ay ahaayeen rayid ama dagaalyahano hubeysan ayaa saarnaa gaari marayay wadada u dhaxeysa magaalada Kitaf iyo degmada Al-Boqeec.

Tv-ga ku hadla afka Xuutiyiinta ee Al-Masiirah ayaa shaaciyay geerida dadkaan fiidnimada Caawa oo Isniin ah.

Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga oo duulaan ku qaaday dalka Yemen sanadkii 2015-kii ayaa marar badan lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aaadanaha oo ka dhacay Dalkaasi.