Hordhac: Burnley Vs Chelsea: Frank Lampard Oo Raadinaya Rikoodh Khaas Ah Xirfadiisa Tababaranimo

0
269

Sabti RBB Sports:-Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan todobaadkii 10-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Turf Moor.

Blues ayaa kulanka Turf Moor soo galaysa iyaga oo isha ku haya guushoodii 4-aad oo xidhiidh ah iyo waliba in ay sii wado baacsiga kaalmaha sare.

Dhanka kale kooxda Burnley ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadhaan guushoodii ugu horaysay ee ee ay Chelsea kaga gaadho garoonka Turf Moor.

Kulanka: Burnley Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Turf Moor

Burnley ayaa guuldaro kala kulantay 4 kulan oo ka mid ah 5 kulan oo ay goroonkeeda Turf Moor kula ciyaartay kooxda Chelsea iyaga oo ugu yaraan laga dhaliyay 2 gool kulamadaas.

Tababare Frank Lampard ayaa raadinaya in uu guul gaadho 4 kulan oo xidhiidh ah markii ugu horaysay xirfadiisa tababaranimo halka markii ugu dambaysay ee ay chelsea 4 kulan oo xidhiidh ah badisay premier League ayaa ahayd September 2018 markaas oo uu uu Maurizio Sarri hogaaminayay kooxda.

Burnley ayaa heshay 9 dhibcood oo ka mid ah 12 dhibcood oo laga doonayay xilli ciyaareedkan iyaga oo 3 kulan shabaqooda ilaashaday.

Chelsea ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo dhalisay 3 gool iyo wax ka badan kualamadaas.