Kooxda Real Madrid oo Gareth Bale iyo Lacag ku dooneysa adeega xidig muhiim ka ah qalcada old trafford

0
61

Sabti RBB Sports:-Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Man United u soo bandhigto dalab lacageed oo dhan Gareth Bale iyo waliba 90 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa Paul Pogba sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Pogba ayaa ahaa bartilmaameedka Real Madrid xagaagii la soo dhaafay xilli uu xiddiga khadka dhexe qirtay in uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid.

Laakiin Real Madrid ayaa ku fashilantay in ay hesho saxiixa xiddiag sabab la xidhiidha in ay Man United dalbatay lacag dhan 180 milyan oo euro

Zidane ayaa u baahan in uu horumariyo khadka dhexe ee kooxdiisa waxana uu mar kale isku dayi doonaa in uu mar kale u dhaqaaqo saxiixa Paul Pogba hadii uu sii ahaado Tababaraha Real Madrid.

Dhanka kale Gareth Bale ayaa u muuqday mid isaga tagaya kooxda Real Madrid xagaagii oo dhan xilli uuna Zidane ku darsan qorshihiisa xiddiga reer Wales.

Haatan Real Madrid ayaa isku dayi doonta in ay hesho saxiixa xiddiga Paul Pogba iskana fasaxdo Gareth Bale iyada oo uu wargayska Eldesmarque sheegayo in ay Man United miiska u saari doonaan lacag dhan 90 Milyan oo euro iyo waliba Gareth Bale.