Unai Emery muxuu ka yiri in Pepe uu ka doortay Zaha

0
66

Sabti RBB Sports:-Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sheegay in ay kooxda Arsenal samaysay go,aanka saxda ah in ay Nicolas Pepe ka doortay xiddiga kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha suuqii xagaaga.

Gunners ayaa rikoodhkeeda suuqa kala iibsiga u jabisay Nicolas Pepe suuqii xagaaga iyaga oo 72 milyan oo euro kala soo wareegay kooxda Lille kadib markii ay Crystal Palace diiday in ay hoos u dhigto qiimaha Wilfried Zaha.

Kadib markii uu dhaliyay 22 gool iyo 11 caawin waliba kooxda Lille ka caawiyay in ay u soo baxdo champions League Pepe ayaa u soo wareegay Arsenal iyada oo wax weyn laga filanayo laakiin waxa uu ku bilowday si aad u hoosaysa noloshiisa Emirates Staduim.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo uu premier league dhaliyay hal gool 9-kiisii kulan ee ugu horeeyay hadana 24 jirka ayaa tayadiisa muujiyay kulankii Europa League ee ay Gunners 3/2 ku garaacday kooxda Vitoria isaga oo dhaliyay 2 laad xor ah oo cajiib ah.

Emery ayaana sheegay in labadaas gool xoojin doonaan kalsoonidiisa isaga oo ku rajo weyn in ay wax weyn ka soo socdaan xiddiga reer Ivory Coast.

“Waxa aan dooranay in aan la soo saxiixano Pepe inkasta oo uu Zaha yahay xiddig fiican”ayuu Emery yidhi.

“Pepe ulamaanan soo saxiixan 2 bilood, 6 bilood, hal ama 2 sano laakiin waxa aan uls soo saxiixanay, mashruuc, mashruucaas ayaana haatan soo dhismaya”.

“Nicolas waxa uu lahaan doonaa kalsooni dheeraad ah wixii ka dambeeyay khamiistii, kooxdu waxa ay la socotay xiddigo badan oo adduunka oo dhan ah waanan ku faraxsanahay in aan dooranaya Pepe”.

“Waxa aan u baahanahay in aan u samirno, caawino, ilaalino isaga sababta oo ah waxa uu u malaynayaa in uu cadaadis ku ciyaarayo”.