Hordhac: Man City Vs Aston Villa: City Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kooxda U Soo Dalacday Premier League Xilli Ciyaareedkan

0
249

Sabti RBB Sports:-Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Aston Villa kulan ka tirsan todobadkii 10-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Kooxda Aston Villa kulanka soo galaysa iyaga oo raadinaya guushodii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo doonaya in ay Man City markii 2-aad oo xidhiidh ah ku garaacaan garoonkeed Etihad Stadium marka loo eego in ay kulankii ugu dambeeyay guuldaro kala kulantay Wolves.

Dhanka kale Man City oo difaacanaysa horyaalka premier League ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay 3 dhibcood ka dhigaan dhibcaha ay ka dambeeyaan kooxda Liverpool.

Kulanka: Man City Vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30 Duhurnimo

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xiddiga Man City ee Sergio Aguero ayaa 6 gool ka dhaliyay 4-tii kulan ee uu Aston Villa kaga hor tagay Premier League isaga oo 5 gool kaga dhaliyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Aston Villa ayaa guuldaro kala kulantay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Man City la ciyaartay premier League iyaga oo laga dhaliyay 30 gool iyada oo markii ugu dambaysay ee ay Man City ka badiso ahayd 2007 markaas oo ay 2/0 kaga badisay.

Kooxda Pep Guardiola ayaan la kulmin 2 guuldaro oo xidhiidh ah kulamada garoonkeeda tan ilaa February 2016 iyada oo uuna Guardiola Laftiisu xirfadiisa ciyaareed la kulmin 2 guuldaro oo xidhiidh ah oo garoonkiisa ah.

Man City ayaa ku fashilantay in ay guul gaadho 2 ka mid ah 4-tii kulan ee ay xilli ciyaareedkan ku ciyaartay garoonkeeda intaas oo ka badan intii ay la kulantay xilli ciyaareedkii hore oo dhan.