Maxaa ka cusub suuqa kala iibsiga xidigaha qaarada Yurub

0
257

Sabti RBB Sports:-Waa Maalin sabti waxaan mowduucan ku eegi doona waxyaabaha xiligan ka cusub suuqa kala wareega ciyaartooyda qaarada yurub.

Hadba waxaybaaha kasoo kordha Ciyaaraha Kala soco halkan

Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller iyaga oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa suuqa January (Bild).

Agaasimaha Kooxda Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa meesha ka saaray in ay u dhaqaaqi doonaan tababare Jose Mourinho (Sky Germany).

Kooxda Man United ayay u badantahay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddigah James Maddison iyo Ben Chilwell marka la gaadho suuqa Jnauary (Manchester Evening News).

Kooxda chelsea ayaa aad ugu kalsoon in laga qaadi doono ganaaxa ka saaran suuqa ka hor inta aan la gaadhin Suuqa January waxana ay calaamadsadeen in ay u dhaqaaqaan midkood weeraryahanada Callum Wilson iyo xiddiga Timo Werner (Sun).

Xiddigii hore ee kooxda Man United Paul Scholes ayaa Man United kula taliyay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Mesut Ozil (BT Sport).

Kooxda Man City ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic kadib dhaawacii soo gaadhay Rodri (Sportsmole).

Taageerayaasha Kooxda Man United ayaa maamulka kooxdooda iyo tababare Ole Gunnar Solskjaer ka dalbaday in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez (Sportsmole).

Kooxda Real Madrid ayaa si lama filaan ah bartilmaameed uga dhigatay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Callum Hudson-Odoi (Don Balon).

Kooxda Barcelona ayaa bartilmaameedka dhigatay labada daafac ee kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar & Stefan de Vrij (Calciomercato).

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay dhankeeda diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 33 milyan oo euro si ay ugu dalbato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic (El Desmarque).

Kooxda Man City ayaa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kula biirtay tartanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Napoli ee Fabian Ruiz (Guardian).

Kooxda Inter Milan ayaa man United kula jirta tartanka saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Bayern Munich ee Thomas Muller (Kicker).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay Goolhaye Thibaut Courtois ku badasho Goolhayaha Athletic Bilbao ee Unai Simon (El Desmarque).

Kooxda chelsea ayaa indha-indheeyayaal u dirtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic (Tuttomercatoweb).

Kooxda Real Madrid ayaa xagaaga dambe ku soo xero galin doonta lacag dhan 300 oo Milyan xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe (AS).

Xiddiga Neymar ayaa xagaaga dambe kooxda PSG isaga tagi kara iyada oo lagu heli karo kaliya lacag dhan 60 Milyan oo euro (Le Parisien)