Afarta Sare Oo Aan Isbadalin, Somalia Oo Hal Darajo Dhaqaaqday & FIFA Oo Soo Bandhigtay Qiimeynta Bilaha Xulalka Kubadda Cagta Dhanka Ragga

0
283

Sabti RBB Sports:-Hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta FIFA ayaa soo saartay qiimeynta bilaha ee xulalka kubadda cagta dhanka ragga, balse isbadal kuma imaanin afarta kaalin ee ugu horreysa waxaana sidii bishii lasoo dhaafay hogaaminaya liiskaan xulka Belgium-ka oo goor hore xaqiijiyay usoo bixitaankiisa koobka qaramada qaaradda yurub 2020.

Xulka difaacanaya koobka Adduunka ayaa ku jira booska 2-aad, xulkaan bandhigiisa isreeb-reebka koobka UEFA Euro 2020 ma noqon mid la mahdiyo, maadaama ay wali u baahan yahiin iney cadeeyaan sida ay ugu qalmaan ka qeybgalka tartanka.

Brazil oo ah xulka heysta koobka qaramada qaaradda Koonfur America ayaa kaalinta 3-aad ku jira halka England ay wali baaqi ku yahiin kaalinta 4-aad.

Tobanka ugu sarreeya waxaa dhameystira Uruguay oo hal tallaabo kor usoo qaaday waxeyna booskaas ka xoogeen xulka Portugal oo bishii hore fadhiyay, sidoo kale Croatia ayaa hal darajo horay usoo kacay waxeyna joogeen bishii hore kaalinta 8-aad halka ay hadda fadhiyaan booska 7-aad, waxey booska kala baxeen Spain.

Sidoo kale Argentina ayaa booska 10-aad ku jirtay bishii hore, haddana 9-aad ayey soo gashay waxeyna boosaska kala badasheen Colombia.

Dhinaca kale Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa iska waayay liiska qeybtiisa hore, wax isbadal ah ma sameynin walina waxey fadhiyaan boosaska 15-aad iyo 16-aad halka Netherlands ay hal darajo kor u kaceen iyagoo tiigsaday booska 12-aad.

Wadanka ugu darajada fiican Africa waa Senegal oo booska 20-aad kasoo muuqday, halka Algeria oo ah wadanka heysta horyaalnimada Afrika uu kasoo muuqday booska 38-aad.

Ugu dambeyntii Xulka Soomaaliya ayaa kasoo muuqday booska 198-aad hal darajo ayuu kor u kacay maadaama uu booska 199-aad kasoo muuqday bishii hore – waxaana ka hooseeya wadamo laga xusi karo Eritrea, San Marino, Sri Lanka & Pakistan.