Dad ku dhintay rabshado ka dhacay Suuqa xoolaha

0
108

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen (RBB), dhibaatada waxay ka bilaabatay gaari ciidan oo halkaa marayey oo sida la sheegay ay rasaas ka fakatay, waxaana rasaastaas ku dhintay hal qof, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa halkaa ka billowday, kuwaasoo ay dadku kaga soo hor jeedeen ciidanka.

Intii ay dibadbaxyadu socdeen ayaa waxay miino waddada dhinaceeda la geliyey la kacday mid ka mid ah gaadiid ay AMISOM leedahay oo halkaa marayey.

Dadka degaanku waxay sheegeen in askarta AMISOM ay rasaas fureen.

Waxay intaa ku dareen oo BBC u sheegeen geerida 2 qof iyo dhaawaca ugu yaraan 5 kale.

BBC waxay la xiriirtay guddoomiyaha degmada Heliwaa, wuxuuse ku gaabsaday in rabshado ay dheceen.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax dheere, oo isna aan wax ka weydiinnay banaanbaxa iyo khasaaraha shacabka soo gaaray ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Wararku waxay sheegayaan in xaaladdu ay caadi ku soo noqotay gelinkii dambe ee maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here