Isbadal siyaasadeed baa ka soo fool leh deegaanka Soomaalida Itoobiya?

0
265

Toddobaadyadii u dambeeyay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay arrimo naadir ah.

Arrimahaas ayaa dabo socday isbadal siyaasadeed oo wayn oo dhawaan ka dhacay dalka Itoobiya ka dib markii uu xilka iska casilay ra’iisulwasaarihii hore Hailemariam Desalegn, isaga oo arrintaas ku macneeyay in uu waddada u xaarayo in isbaddallo dhab ah ay ka dhacaan dalka Itoobiya, isla markaasna la dhagaysto dalabka shacabka.

Haddaba waxaan halkan ku soo koobaynaa dhacdooyinkii naadirka ahaa ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhacay toddobaadyadii u dambeeyay.

Mudaaharaadyo

Gobolka Siti ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay mudaaharaadyo lagu diidanaa dawladda si gaar ahna loogu dhaliishanaa nidaamka dib u curashada loo yaqaanno, sida ay dad deegaanka ah BBC-da u sheegeen.

Nidaamka dib u curashada ayaa ah in shaqaalaha dawladda loo wareejiyo deegaan aan ahayn midka uu ka soo jeedo.

Dadka gobolkaas ayaana ka cawday in loo keenay dhallinyaro kale kuwoodii aan shaqo lawada siinin.

Dawladda deegaanka ayaase sheegtay in arrintan looga golleeyahay in lagula dagallamo qabyaaladda iyo nin jeclaysiga.

Dadka arrintan sida guud u dhaliishanna waxay nidaamkaas ku duraan in shaqaalaha laga baddalo guryahoodii iyo qoysaskooda isla markaasna aan dhaqaale kale lagu kabin oo la siiyo isla mushahaarkoodii hore.

Mudaaharaadyadii ayaa qaboobay waxayse si lama filaan ah uga qarxeen magaalada Wajaale.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mudaharaadkaas sida ay dadka deegaanku u sheegeen BBC.

Xukuumadda Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay markaas inay billawday in ay soo abaabusho isu soo baxyo ay ku muujinayso taageeradeeda, waxaana deegaanka oo dhan ka dhacay dibadbaxyo waawayn.sawir

Wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo fadhigoodu ahaa magaalada Jigjiga ayaana ka soo muuqday dibadbaxyada lagu muujinayay cududda taageerada dawladda oo deegaannada fogfog ka dhacay.

Masuul Hay’adda Xuquuqda Insaanka Itoobiya ka tirsan oo Jigjiga lagu jir dilay

Waxaa magaalada Jigjiga lagu jir dilay masuulkii hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya u qaabilsanaa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Jamaal Maxamed Warfaa.

Dad badan ayaa baraha bulshada iskula wadaagay sawirka Jamaal oo u muuqda qof dhaawacyo ku yaalaan oo furaash dul jiifa.

Masuuliyiinta Dawladda Federaalka ah iyo kuwa Deegaanka midkoodna durba kama hadlin arrintaas.

Balse Demisew Benti oo warfaafinta u qaabilsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa BBC u xaqiijiyay in la jir dilay Jamaal wuxuuna intaas ku daray in la diray guddi xaqiiqo raadin ah.Jamaal Maxamed Warfaa oo deeganka Soomaalida Itoobiya u qaabilsan Hay'adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya

JAMAL MAXAMED/FACEBOOKImage captionJamaal Maxamed Warfaa oo deeganka Soomaalida Itoobiya u qaabilsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya
“Waa run Jamaal oo ah masuulkii hay’adda u qaabilsanaa Deegaanka Soomaalida ayaa Jigjiga lagu jirdilay, yaa jirdilay, maxaa loo jirdilay, sidayse arrintaasi u dhacday waa arrin qayb ka ah baaritaanka aan wadno ayuu yiri”.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamiga ah ayaa marar badan laamaha ammaanka ee dawlad deegaanka Soomaalida ku dhaliilay in ay tacadiyo gaystaan.
Balse arrinta la iswaydiinayo ayaa ah haddii Jigjiga lagu jirdili karo masuulkii loo idmaday ilaalinta xuquuqda aadanaha, waa sidee midda shacabka?Jamaal Maxamed Warfaa oo deeganka Soomaalida Itoobiya u qaabilsan Hay'adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here