Laacibka aadka loo doon doonayo ee Erling Haaland oo la shaaciyey qiimaha lagu heli karo

0
98

Arbaco RBB sports:-Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Red Bull Salzburg ee  Erling Haaland ayaa shaaca laga qaaday qiimaha lagu heli karo haatan.

Weeraryahankan ayaa waxaa aad u doon doonaya inta badan kooxaha ka dhisan qaaradda Yurub, waxaana kooxaha bartilmaameedsanaya hoggaanka u haya kuwa ugu waa weyn Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

Sida ay warinayso shabakadda Tuttosport kooxda Red Bull Salzburg ayaa qiimo gaaraya 86 milyan oo gini duldhigtay xiddiga weerarka ka ciyaara ee 19-sano jirka ee Erling Braut Haaland.

Kaddib markii uu goolal badan u dhaliyey kooxda Austria, ciyaaryahan Haaland ayaa noqday mid ka mid ah kuwa loogu doonista badan yahay kubadda cagta Yurub.

Haaland ayaa weli haysata afar sanadood oo uga harsan heshiiska uu kula joogo kooxdiisa haatan uu ka tirsan yahay ee Salzburg.