Kooxda Real Madrid oo wadahadallo la furtay laacib khadka dhexe uga ciyaara Napoli

0
110

Arbaco RBB sports:-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa la soo warinayaa inay wadahadallo la furtay laacib khadka dhexe uga dheela naadiga reer Talyaani ee Napoli.

Los Blancos ayaa wahadallo la bilowday  laacibka khadka dhexe ee kooxda Napoli Fabian Ruiz, si ay ugala xaajoodaan suurto-galnimada uu ugu soo dhaqaaqi karo garoonka Santiago Bernabeu xagaaga soo socda.

Sida ay warinayso Jariiradda ESPN Real Madrid ayaa la kulantay 23-sano jirkaan bishii October, iyadoo qiimaha uu haatan suuqa ka joogo yahay lacag lagu qiyaasato 80 milyan oo euro oo u dhiganta 89 milyan oo dollar ama 69 milyan oo gini.

Fabian Ruiz ayaa dhaliyey hal gool 10 kulan oo uu ka soo muuqday horyaalka Serie A illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.