Muxuu ku jawaabay Guti kaddib markii la weydiiyay suurtogalnimada uu tababare ugu noqn karo Real Madrid?

0
99

Arbaco RBB sports:-Halyeeyga kooxda Real Madrid ee José María Guti Hernández ayaa la wareegay shaqada tababarka ee naadiga Almería, waana talaabadii ugu horeysay ee xirfadiisa tababarnimo.

Guti ayaa wuxuu soo noqday macalinka da’ayarta ee kooxda Real Madrid inta u dhaxeysay 2013 ilaa 2018, kahor inta uusan u dhaqaaqin Beşiktaş halkaasoo uu ka noqday macalin caawiye xilli ciyaareedkii 2018/209.

Haddaba tababare Guti Hernández ayaa wuuu ka soo muuqday shir jaraa’id isagoo ah macalinka cusub ee kooxda Almería, wuxuuna ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan safarkiisa Almeria iyo mustaqbalkiisa tababarenimo.

Guti ayaa la weydiiyay su’aal ku aadan hadii inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid si uu ugu noqod macalin maalin maalmaha ka mid ah, wuxuuna ka bixiyay jawaab naxdin ku ah taageerayaasha kooxda.

José María Guti Hernández oo ka jawaab celinayay su’aasha la weydiiyay ayaa wuxuu kaga jawaab celiyay sida tan:

“Shaqada tababaraha ee kooxda Real Madrid? Waxa aan xiiseenayo ayaa ah in kooxda Almería aan u soo saaro heerka koowaad ee horyaalk La Liga ee ma ahan Real Madrid”.