Dad lagu tuhunsan yahay dilka Masuul sare oo xabsiga loo taxaabay

0
72

Khamiis RBB News:-Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in howlgallo xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan Afgooye lagu qab qabtay dad la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerar bambaano oo lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii dhanka Arrimaha Bulshada Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in dad u badan dhalinyaro lagu soo qabtay howlgalka, isla markaana lakala saaray, lana haayo qaar ka mid ah oo weli baaritaano ku socdo.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya in sidoo kale baaritaano ku socdaan askartii ku sugneyd guriga Guddoomiye kuxigeenka ee bam gacmeedka lagu weeraray.

Weerarkii shalay lagu dilay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaalad amni geliyay degmada Afgooye, iyadoo xalay bandow iskeed ah ay u gashay degmada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Carabey.