Gudoomiye Dhoobo daareed oo isaga baxay Garoowe

0
77

Sabti, RBB News – C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Putland oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay ayaa ka tagay Caasimadda Garoowe, ee xarunta Maamulkaasi.

Dad ku sugan Magaalada Garoowe ayaa inoo sheegay in ay arkayeen ciidamo iyo gaadiid oo uu watay Gudoomiye dhoobo daareed oo iskaga baxaya Magaalada, waxaana la sheegay in ay xalay ku hoydeen degmada Xingalool ee gobolka Sanaag.

Warar kale oo saaka soo baxaya ayaa sheegaya in uu gudoomiye /xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed iyo ciidamada taageersan ay ku wajahan yihiin deegaano hoosyimaada Gobolka Sanaag oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Horay gudoomiye dhoobo daareed ayaa ugu baaqay bulshada deeganada Gobolka Sanaag in ay ka tashadaan Mustaqbalkooda, oo ay isku yimaadaan kana hadlaan waxyaabaha ku hor gudban.

Xaaladda siyaasadeed ee Dowlad goboleedka Putland ayaa weli cago buuran ku taagnayn iyadoo kulamo xal raadin ah ay socdaan waqtigan, inkastoo Gudoomiyihii Baarlamaanka Putland ee codka kalsoonida lagala laabatay uu ka biyo diiday in uu kulan la yeesho Masuuliyiin katirsan Maamulkaasi oo ku sugan Garoowe.