Taliyihii Ahlusuna ee Guriceel oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda

0
65

Sabti, RBB News – Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in taliyihii Ciidamada Ahlusuna ee Degmada Guriceel uu isku dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb.

Magaca Taliyaha ayaa lagu sheegay Cabdulaahi Daahir Rooble oo kamid ahaa saraakiisha Ahlusuna oo dhowr sano Dagaal kula jiray Alshabaab.

Waxaa la tilmaamay sidoo kale in uu taliye u ahaa ciidamo badan oo Ahlusuna katirsan oo iskaga baxay Degmooyinka Guriceel iyo Matabaan inkastoo xal laga gaaray tabashadii taagnayd oo ay ciidamadii degmooyinkaas iskaga soo baxay ay ku sugan yihiin Oo ay xalay ku hoydeen Xarunta Gobolka ee Magaalada dhuusamareeb

Saraakiisha Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa kusoo dhaweeyay Ciidamada ahlusuna iyo Taliye Cabdulaahi daahir rooble Magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda ayaa waqtigan ku sugan dhammaan goobaha muhiim ah ee Magaalada Dhuusamareeb iyo Amniga ay gacanta ku hayaan Ciidamo iskugu jira Milireri iyo Kuwa Nabad sugidda oo ay horay dowladdu u geysay Magaaladaasi.