Jubbaland oo beenisay in Ciidamo katirsan daraawiishta ay u goosteen dhinaca Dowladda

0
65

Sabti, RBB News – Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu ka hadlay ciidamada la sheegay inay ka tirsan yihiin Daraawiishta Jubbaland, ee maalintii Arbacada u goostay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Ciidamadan oo ka tagey Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sababo aan xilligaasi la shaacin ugu wareegay dhinaca Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Degmada Luuq.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Degmooyinka Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow ay jooggaan hal ciidan, kuwaa oo uu ku sheegay inay yihiin Ciidanka Soomaaliyeed oo waajibkooda uu yahay inay la dagaalaan Urura Al Shabaab.

“Horta Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow waxaa joogga hal ciidan, oo ah Ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaalanka Al Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah oo ka tirsanaa Ciidankii Beled Xaawo oo aaday Magaalada Luuq, iyaguna waxay u taggeen ciidankoodii kale oo joogga Luuq, wax dhib ah oo ka taagana ma jiro.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo la hadlay BBC.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa yiri “Mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga taggaan xarumahoodii, marka ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto.”

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Gudoomiye-yaashii Degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beled Xaawo ay taggeen dhinaca dalka Itoobiya, sababo aan la garanayn awgood.

Maxamed Sayid Aadan oo arrintaasi ka hadlayayna waxaa uu yiri “Xuduuddaas dheer ammaankeeda waxaan iska kaashanaa deegaanada dariska nala ah, Kenya ha ahaato ama Itoobiya. Saraakiisha amniga iyo maamuladaba waxaa ka dhaxeeya kulamo bishiiba mar la isugu taggo oo lagu qiimeeyo arrimaha ammaanka.”

Tallaabada ay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ugu goosteen dhinaca Dowladda Federaalka ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli billihii la soo dhaafay uu khilaaf ka dhex taagnaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Khilaafkan ayaa sii xoogeystay ka dib markii doorasho natiijadeeda lagu murmay mar labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa ku baaqday in doorasho ku celis ah la qabto, waxaase taasi si weyn uga hortimid Madaxtooyada Jubbaland.