Pompeo oo khudbad uu ka jeediyay Berlin ku weerraray Ruushka iyo Shiinaha

0
69

Sabti, RBB News–Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa waxa uu ka digay in khatarta Ruushka iyo Shiinaha, waxa uuna ku baaqay in la kobciyo Nato laga hortago “caqabadaha maanta taagan”.

Mr Pompeo oo booqasho ku jooga magaalada Berlin ayaa sheegay in habka Shiinaha uu u isticmaalayo dadkiisa ee caburinta ah ayaa waxa ay u eg tahay habkii naxdinta badnaa ee ka dhacay Bariga Jarmalka.

Ruushka ayuu dhanka kale ku eedeeyay inuu xoog ku galaayo dalalka dariska ah sidoo kalana uu baacsanayo mucaaradka. Waxa uu ku qoslay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaas oo dhawaan yiri Nato waa “maskax dhimatay”.

Hasayeeshee Mr Pompeo ayaa waxa waxa weriyayaasha u sheegay: “Todobaatan sano ayaa laga joogaa markii la dhisay isbahaysigan, marka waa in la kobciyaa oo wax laga badelaa. Waxaa loo baahan yahay in isbahaysigu uu la falgalo caqabadaha iyo dhacdooyinka manta.

“Haddii dalalka ay rumaysan yihiin inay kaalmo ammaan heli karaan iyagoon Nato siinayn kharashaadka ay u baahan tahay, marka haddii aanay waajibaadkooda ka soo bixin, Nato waxa ay halis ugu jirtaa inay noqoto mid aan shaqeynayn.”

Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ayaa si joogta ah waxa uu dalalka Yurub ee xubnaha ka ah Nato ugu eedeeyay inay ku guuldarraysteen inay si dhab ah u bixiyaan qoondadooda kharashka ku baxa milateriga ayna difaacooda si weyn ugu tiirsan yihiin Mareykanka.

Nato ayaa kulan bisha soo socota ka dhici doona magaalada London waxa ay ugu dabaaldegi doonaan 70 sano guuradii ka soo wareegatay markii isbahaysigaasi la aasaasay.

Waxa uu ka hadlayay magaalada Berlin maalin un ka hor sanadguurada 30-aad ee ka soo wareegatay markii la burburiyay darbigii Berlin.

Isagoo dhadadaas ka hadlayana waxa uu Mr Pompeo yiri “reer Galbeedka haddaanu nahay – waa dhammaantayee – waxaanu luminay dareenkeennii ku aadanaa xilligaas wanaagsanaa”.

Waxa uu sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay tahay “inay difaacaan guusha sida adag lagu gaaray… 1989” sidoo kalana “la aqoonsado inaan tartan dhinaca qiyamka ah kula jirno dalal aan xor ahayn”.

Waxaa hoos u dhacay xiriirkii ka dhaxeeyay Washington iyo Moscow kaddib markii Ruushku uu 2014 gacanka Crimea ka qabsaday dalka dariska ah ee Ukriane.

Xiriirka ayaa sii xumaaday markii hay’adaha sirdoonka Mareykanka ay sheegeen in aqalka Kremlinka uu farageliyay doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee 2016.

Inkastoo ay taasi jirto, haddana Madaxweyne Trump iyo Madaxweyne Putin ayaa waxa ay u muuqdeen kuwo uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo. Jimcihii Mr Trump ayaa sheegay inuu ku hamiyayo in bish May ee soo aaddan uu ka qeybgalyo debaaldegga maalinta Guusha ee Ruushka, kaddib markii uu helay casuumaad kaga timid hogaamiyaha Ruushka.