Barcelona vs Celta Vigo: Xaqiiqooyinka Kulankaan Muhiimka U Ah Barcelona

0
164

Sabti, RBB Sports–Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Camp Nou kulan ay Barcelona doonayso in ay ku soo laabato wadada guulaha.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo aan wax guul ah labadii kulan ee ugu dambeeyay kadib guuldaro ka soo gaadhay Levante iyo bar-baro champions League ahaa.

Dhanka kale kooxda Celta Vigo ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ku jira kaalinta 18-aad ee horyaalka kaliyana badiyay 2 kulan 12-kii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen iyaga oo lag badiyay 7 kulan.

Kulanka: Barcelona Vs Celta Vigo

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tan ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2014/2015 Barcelona ayaa 4 guuldaro kala kulantay kooxda Celta Vigo horyaalka La Liga iyaga oo 2 kulan dheer kooxaha kale ee horyaalka.

Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan hal gool 32-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka La Liga ku ciyaareen garoonkeeda iyaga oo badiyay 12-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Celta Vigo ayaa 9 dhibcood ka heshay 12 kulan oo horyaalka La Liga ah waana dhibcihii ugu xuamaa ee taariikdooda tan ilaa 1985/1986 markaas oo ay heleen kaliya 7 dhibcood.

Celta Vigo ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 10-kii kulan ee horyaalka La Liga iyaga oo 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ku fashilmay in ay wax gool ah dhaliyaan.