Hordhac: Eibar Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Ku Dhibaatoota Kooxaha Reer Basques Horyaalka

0
173

Sabti, RBB Sports–Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Eibar kulan ka tirsan todobaadkii 13-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Manicipal del Ipurua Staduim.

Kooxda Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul weyn ka gaadhay kooxda Galatasaray kulan ka tirsanaa champions League waxana ay haatan doonayaan in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay bar-baro galeen kulankii horyaalka La Liga ee sabtidii.

Dhanka kale kooxda Eibar ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira kaalinta 14-aad iyaga oo kaliya badiyay 4 kulan oo ka mid ah 12-kii kulan ee ay ciyaareen iyaga oo laga badiyay 5 kulan.

Kulanka: Eibar Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 08:30 Fiidnimo

Garoonka: Manicipal del Ipurua Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 10-kii kulan ee ay Eibar ka hor tagtay horyaalka La Liga iyada oo guuldaradaas dhacday November 2018.

Guushii 3/0 ahayd ee ay Eibar ka gaadhay Real Madrid ayaa ahaa kulankii ugu dambeeyay ee ay Guul ka gaadhay Los Blancos tartamada oo dhan.

Real Madrid ayaa laga badiyay 4 ka mid ah 7-dii kulan ee ay La Liga la ciyaareen kooxaha ka dhisan gobolka Basques.

Eibar ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga iyaga oo labada kulanba ku badiyay 2/1 markii ugu dambaysay ee ay 3 kulan oo xidhiidh ah badiyeen ayaa ahdy December 2017 iyo January 2018.