Leicester City Vs Arsenal: Mustaqbalka Unia Emery Oo Khatar Ku Jira

0
180

Sabti, RBB Sports–Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda wacdaraha dhigaysa ee Leicester City kulan ka dhici doona garoonka King Power Staduim kana tirsan todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League.

Arsenal oo uu xaalku ku xun yahay ayaa kulanka u soo galaysa in ay gaadho guusheedii ugu horaysay tan ilaa kulankii Bournemouth ee ka tirsanaa todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.

Dhanka kale Leicester City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira qaab ciyaareed heer sare ah xilli ciyaareedkan waliba badiyay kulamadeeda tan ilaa markii ay guuldarada wakhtiga dambe ah kala kulmeen Liverpool.

Kulanka: Leicester City Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 08:30 Fiidnimo

Garoonka:King Power

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Leicester City ayaa badisay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League garoonkeeda ku marti galisay kooxda Arsenal laakiin waligood Gunnars may garaacin 3 kulan oo xidhiidh ah.

Arsenal ayaa guuldaro la kulantay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League la ciyaartay Leicester City iyada oo intaas ka badantahay intii ay kala kulantay 30-kii kulan ee hore.

Leicester City ayaa badisay 8 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay garoonkeeda iyada oo 4-tii kulan ee ugu dambeeyay xidhiidh u guulaystay.

Tan ilaa markii ay garaaceen Man City bishii January 2015, Arsenal ayaa ku fashilantay in ay guul gaadho 11 kulan oo xidhiidh ah oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.