Chelsea Vs Crystal Palace: Blues Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay London Derbies Horay Uga Dhigtay

0
181

Sabti, RBB Sports–Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Stamford Bridge.

Blues ayaa kulanka soo galaysa in ay sii wado tartanka ay ugu jirto in ay sii haysato kaalmaha ugu sareeya ee horyaalka premier League.

Dhanka kale Crystal Palace ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay joojiyaan guulaha xidhiidhka ah ee horyaalak premier League.

Kulanka: Chelsea Vs Crystal Palace

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 03:30 Galabnimo

Garoonka: Stamford Bridge.

XAQIIQOOYIINKA KULANKA:

Chelsea ayaa badisay 6 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League la ciyaartay kooxda Crystal Palace iyaga oo kaliya guuldaro kala kulmay 2 kulan oo August 2015 iyo April 2017.

Tan ilaa markii ay ku soo laabteen premier League xilli ciyaareedkii 2013/2014 Crystal Palace ayaa badisay 4 ka mid ah 12 kulan oo premier League ah oo ay ka hor tagtay chelsea.

Chelsea ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee London Derbies ee premier League iyada oo rikoodhkooda ugu fiican ee guulaha London Derbies tahay 5 kulan oo ay dhigtay intii u dhexaysay October iyo December 2014.

Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii hore kaliya kooxaha Liverpool (18) iyo Man City (18) ayaa kaliya ka guulo badan kulamada martida ah.