Safiirada Dalalka Turkiga Iyo Qadar Oo maanta gaaray Baledweyne

0
99

Sabti, RBB News – Iyadoo wali ay jiraan oo ay muuqato Saameyntii ka dhalatay Fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa Magaalada Beledweyne waxaa maanta gaaray Wafdi heer caalami ah kuwaas oo u kuur galaya xaaladihii ugu dambeeyay deegaanada fatahaadaha saameynta ku yeesheen.

Safiirada Dalalka Qatar iyo Turkiga ayaa maanta gaaray Magaalada Baledweyne Ee Gobolka Hiiraan, Masuuliyiin katirsan Dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Baledweyne.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la filayaa in ay safiiradan maanta Baledweyne gaaray kulamo ay la yeeshaan, waxaana kulamadaas looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee Fatahaadaha ku dhuftay Magaalada.

Inkastoo xaaladda sidii hore kasoo reyneyso, hadana weli waxaa jira Saameyntii hore ee fatahaadaha ka dhashay, Dowladda dhexe iyo Masuuliyiinta Hirshabeelle ayaana kol hore ka dalbaday Dowladaha Caalamka in ay usoo gurmadaan dadka fatahaadaha ay saameeyeen.