Maxaa ka cusub kacdoonka Gudomiyihii Golaha Wakiilada Puntland

0
112

Axad, RBB News–Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa shir jaraa’id ku faah faahiyay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, waxaana uu ku baaqay in Maamulka Puntland loo soo gurmado.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa qaarkood Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland, ka dib is rasaasayn habeenkii Arbacada ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe. Gudoomiyaha ayaana ka horyimid tallaabada ay xilka uga qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana uu xil ka qaadistiisa ku sheegay mid aan sharci ahayn.

Gudoomiyaha oo Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag ayuu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ku soo korortay Puntland, iyadoo uu sheegay in Puntland badbaado u baahan tahay, waxaana uu dadka reer Puntland ugu baaqay in ay jiritaanka maamulkooda badbaadsadaan.