Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad oo Baydhabo lagu soodhaweeyay

0
97

Axad, RBB News–Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha Qaybta 60aad iyo xubno uu horkacayay ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo, waxaana soo dhaweeyay xubno uu hormuud u ahaa Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka, Qaybta 60aad.

Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ayaa waxaa loo gelbiyay halkii loogu talagalay ee laga dejiyay Magaalada Baydhabo, iyadoona uu ka mahadceliyay soo dhawaynta ay Saraakiisha ugu sareemeeyeen Garoonka Shaati Gaduud.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Sarakiil Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, oo ugu horeeyo General Maxamed Sheekh Madoobe, Taliyaha Hawlgelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

General Maxamed Sheekh Madoobe oo ka hadlay safarkooda Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu ku qotomo, sidii loola shaqayn lahaa Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad.

General Madoobe ayaa wax muqadas ah ku sheegay in lala shaqeeyo General Maxamed Sheekh Cabdullaahi, Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.