Kulan Lagu Xalinayo Khilaafka Jubbaland, Kiinya Iyo Itoobiya Oo dhacay

0
197

Arbaco RBB News:- Kulan Ay soo qaban qaabisay Dowlada Kiinya oo ay kaqeyb galayaan Madaxweynaha Mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe Iyo Hogaamiyaha Ururka ONLF C/raxmaan Maadeey ayaa kaa dhacay Magaalada Nirobi Ee Caasimada Dalkaasi.

Kulanka Ayaa lasheegay in yimid Kadib markii uu khilaaf diblomaasiyadeed soo kala dhex galay dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Kulankan ay Kiinya Marti gelineysa waxaana maalgeliyay Machadka Rift Vally sida ay daabacday Addis Standard oo itoobiya kasoo Baxda.

Khilaafka ayaa lasheegay in uu ka abuurmay Maamulka Jubbaland

Warbaahinta oo Dhan kama aysan qeyb galin kulankan sedex geesoodka ah ee udhaxeeyay Xubno matalaya Kiinya, Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland iyo Hoggaamiyaha cusub ee Ururka ONLF C/Raxmaan Maadey.

Dowladda Kenya ayaa Soodhaweyn heer sara usameysay Axadii Lasoo Dhaafay Kadib Markii Hoggaamiyaha Ururka ONLF Oo halkaasi gaaray.

Wargeyska Addis Standard Ayaa daabacay in Dowlada Itoobiya ay Jubbaland ugu shakisantahay in ay taageerro Ururo Halis ku ah Nabada Gobolka.

Waxaa Kulanka labada Hogaamiye loo arkaa mid xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Itoobiya, Jubaland iyo Kenya.

Maamulka Jubbaland Ayaa Diyaarad ee leedahay Dowlada Itoobiya waxa ay diiday in kadagto Magaalada Kismaauo Bishii August ee sanadkan.

Xiriirka xumaaday ee Jubbaland Itoobiya iyo Kiinya aya lasheegay in ay sabab utahay Arrintaas oo aad usii xumeysay xiriirka saaxiibadii hore ee Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa kala taageera Maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka ah, waxaana jira khilaaf u dhaxeeya Jubaland iyo dowladda Soomaaliya kaas oo saameeyay waddamada deriska ah laftooda.